DHAGAYSO:Taliyaha qaybta Booliska gobolka Mudug oo ka warbixiyey dagaalkii maanta ka dhacay Gaalkacyo

Kadib markii saaka dagaal culus uu Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug uu ku dhex maray malayshiyaad hubeysan oo isku haystay dhul ku yaala duleedka magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyey in dagaalkaasi uu joojsaday isla markaasna malayshiyaadkii dagaalamay la kala dhex dhigay ciidamo ka tirsan kuwa amaanka.

Dagaalkii saaka ka dhacay duleedka magaalada Gaalkacyo gaar ahaan agagaarka xasbiga weyn ee  Gaalkacyo oo uu maanta dagaalku ka dhacay waxaa ku dhintay dagaalkaasi saddex qof halka ay ku dhaawacmeen shan kale, waxaana goobta falkaasi ka dhacay gaadhay ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Puntland.

Ujeedka ciidamadani ayaa lagu sheegay kala dhex galida labada malayshiyaad beeleed si uusan dagaal mar kale uga dhici halkaasi.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO WARAYSIGA

Taliyaha qaybta Ciidanka Booliiska Puntland oo la hadlay Dalmar Media ayaa sheegay in laamaha amaniga Puntland iyo waxgaradka magaalada Gaalkacyo ay ku guulaysteen joojinta dagaalkaasi isla markaasna ay ciidamo kala dhex dhigeen labada malayshiyaad.

Sidoo kale waxa uu sheegay taliyuhu in odayaasha iyo waxgaradka Gaalkacyo ay kala hadleen sidii loo dhamayn lahaa xiisada sababtay dagaalkaasi oo xal buuxa laga gaadhi doono.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*