DHAGAYSO:Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalkii Xeraale & Dhaawacyo la dhigay cisbitaalada Guraceel Iyo Caabudwaaq

Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka helayno deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud oo uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyey malayshiyaad beeleedyo wada kasoo wada jeeda gobolkaasi Galgaduud ayaa sheegaya in uu sii kordhayo khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Ugu yaraan 40 Qof ayaa ku dhintay dagaalkaasi, kuwaas oo kasoo kala jeeda labada dhinac ee kuwada dagaalamay deegaanka Xeraale sida uu Puntlandtimes.com u sheegay Mahad Bashiir oo kamid ah wariyaasha ka hawlgala gobolka Galgaduud.

Cistibaalada ku yeela degmada Guraceel ayaa la dhigay ilaa 25 Qof oo dhaawac ah halka degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud iyana la dhigay dhaawacyo gaadhaya 36 Qof.

Deegaanka Xeraal ayaa waxaa haatan ka taagan xiisad kacsnaan ah iyo dhaq dhaqaaqyo xoogan oo ay wadaan malayshiyaadku u dhaxeeyo, kuwaas oo ay ku kala biireen ciidamo ka tirsan Galmudug iyo Ahlusunna.

Gurmad xoogan ayaa weli waxa uu ka socda qaybo kamid ah gobolka Galgaduud, waxaana gaadiid dagaal uu kusii qul qulayaa deegaanka Xeraale oo xiisad dagaal ay haatan ka taagan.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO WARAYSIGA

Gudoomiyaha degmada Xeraale ee gobolka Galgaduud Bashiir Daahir Dhaga badan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalka uu gaystay khasaare baaxad leh isla markaasna uu u dhaxeeyey shacabka degmada Xeraale iyo malayshiyaad laga soo abaabulay magaalada Dhuusamareeb waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uuna hurinta dagaalkaasi dusha uga tuuray maamulkii hore ee Ahlusunna Waljameeca iyo madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo uu sheegay in ay qayb ka yihiin dagaalka.

Malayshiyaadka dirirtu u dhaxayso ayaa mid walbaaba kan kale ku eedaynayaa in uu Galmudug iyo Ahlusunna uu taakulo ka helayo, taas oo ka dhigan in colaadu weli ay xoogan tahay siina socon karto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*