DHAGAYSO:Wasiir Gallan oo ka hadlay amaanka Boosaaso & Hawlgalo ka socda

Wasiirka wasaaradda amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa ka hadlay hawlgalo dhanka amaanka lagu xaqiijinayo iyo amaro ku aadan mamnuucida hubka in lala dhex galo garoomada, dekaddaha iyo in laga soo dajiyo.

Cabdisamad Gallan ayaa sheegay in ay gabi ahaanba mamnuuceen in hub la keeno deegaanada Puntland isla markaasna laga ganacsado iyo amaba hub lala galo goobaha ay kamid yihiin garoomadda diyaaradaha iyo dekaddaha, waxaana uu Mr. Gallan uu si gaar ah uga hadlay xaaladaha amaan ee magaalada Bosaso oo uu sheegay in ay wadaan hawlgalo amaanka lagu xaqiijinayo.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO WARAYSIGA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*