
Taliyaha Ciidanka Xoogga S/Gaas Daahir Aadan Cilmi( Indha-Qarsho) & Saraakiisha talisyada kale Ee Ciidamada iyo Xildhibaano ayaa saakay u ambabaxay deegaano ka tirsan Waqooyiga Gobolka Galgaduud.
Taliyaha iyo Saraakiisha ayaa marka hore ku kormari doona deregaanka Xeraale oo laga bilaabayo Diiwaan-Galinta Habraaca Qarameynta Ciidamada Dowladdu kula wareegtay Dhowaan deegaankaas.
Wafdigan ayaa sidoo kale soo mari doona Dhamaan Goobaha kale ee lagu maleynayo Ciidamo u baahan in la Qarameeyo,waxaana tallaabadaan ay kusoo aadeysaa xilli howsha diiwaangelinta Ciidamada ay Dhuusamareeb ka socoto.
Be the first to comment