Diyaarad lagu soo riday dueedka caasimada Liibiya & Duuliyihii waday oo la qabtay

Ciidamada u daacadda ah Khaliifa Xaftar ayaa waxa ay sheegeen inay soo rideen diyaarad dagaal oo ay leedahay dowladda Liibiya ee ay taageerto Qaramada Midoobe.

Telefishinka Sky News Arabiya ayaa sheegay in diyaaradaasi oo nooceedu ahaa Miiraaj F 1ED lagu soo riday deegaanka Al-hir ee Koonfurta Tripoli, waxaana ciidamada Khaliifa Xaftar gacanta ku dhigeen duuliyihii waday diyaaradaasi oo ay sheegeen inuu ajnabi ahaa.

Diyaaradan ayaa lasoo riday hal maalin kadib markii uu Khaliifa Xaftar ku amray ciidamadiisa inay cagta mariyaan ciidanka dowladda oo uu ku tilmaamay ciidamo cadow ah.

Bishii April 4-dii ayey ciidanka Khaliifa Xaftar ayaa waxa ay bilaabeen hawlgal ay doonayaan inay ku qabsadaan magaalada Tripoli oo ay ku xoogan yihiin ciidamada dowladda ay Qaramada Midoobe aqoonsan tahay.

Hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO waxa ay sheegtay in dagaaladaasi lagu dilay in ka badan 430 qof halka in ka badan 2,000 lagu dilay dagaaladaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*