Dowladda Federalka Oo Sheegtay Inuusan Wax Xiriir Diplomaasiyadeed Dhex Mari Karin Israel

Afhayeenka Madaxtooyadda Somalia, C/nuur Maxamed Axmed ayaa gaashaanka ku dhuftay qoraal uu Agaasimihii shaqada laga cayriyey ee Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibedda Somalia, C/llaahi Dool ku sheegay inaysan dhibaato lahayn haddii Xiriir Diplomaasiyadeed lala yeesho Israel.

Afhayeenka Madaxtooyadda oo qoraal soo dhigay Bartiisa Twitterka ayaa u qornayd sidatan:

#Israel inta ay dhul dad #Muslimiin ah iyo magaalo barakeysan xoog ku haysato iyo inta ay xabsiga dusha ka furan ku hayso reer #Falastiin wax xiriir ah nama dhex mari karo, qof walba oo fikirkaas qabana kama shaqeyn karo, umana shaqeyn karo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*