Dowladda Sweden oo magangalyo Qaxootinimo siinaysa Muslimiinta ku dhibaataysan gudaha Shiinaha

Sida lagu soo daabacay Web Page-ka Hay’adda Socdaalka ee dalka Sweden waxay dowladda balanqaaday inay Qaxootinimo siinayso Muslimiinta ka imaanaya gobalka Shinjiyaan ee dalka Shiinaha iyo xubnaha kale ee Muslimiinta laga tirada badan yahay.

Qoraalka lagu shaaciyey arrintaasi waxaa lagu sheegay inay dib u eegi doonaan magangalyo doonayaasha ka imaanaya gobalkaasi una aqoonsan doonaan Qaxooti.

Codsiyadda Muslimiinta ku dhibaataysan Shiinaha waxaa la sheegay in si toos ah loo aqbali doono isla markaasna aan marnaba la masaafurin doonin.

Talaabadaasi ayaa u muuqata inay tusaale fiican u tahay dalalka kale ee reer Galbeedka si ay u qaabilaan dadka Muslimiinta ee lagu dhibaateeyo gudaha dalka Shiinaha.

Dhinaca kale warbixin ka soo baxday Hay’adda Qaramada Midoobe ugu qaabilsan arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa lagu sheegay in ka badan Hal Million oo Muslimiint ah lagu hayo xerooyin ku yaalla Shiinaha lana mamnuucay in Diinta Islaamka lagu barto gobolka Shiinjiyang.

Warbixin kale oo ay Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch soo saartay ayaa lagu sheegay inay dowladda Shiinaha qaaday olole ka dhan ah xuquuqda aadanaha isla markaasna ay si xun ula dhaqanto Muslimiinta oo loo geysto xarig wadareed jir-dil iyo tacadiyo kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*