Dowladdaha Sacuudiga & Imaaraadka oo soo dhoweeyey hogaanka cusub ee Suudaan

Dowladda Sacuudiga waxay sheegtay inay taageersan tahay gollaha la wareegay talada dalkaasi isla markaana ay u soo diri doonaan gar gaar deg deg ah.

Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA waxay shegetay inuu Boqorka Sacuudiga ahna Qaadumka Labada Xaram ee Shariifaynka, Boqor Salmaan Bin C/casiis inuu bixiyey qaabka loo taageeri doono Sacuudiga, isagoo sheegay inay Suudaan u diri doonaan Gargaar Degdeg ah o oay ku jiraan Shidaal, Qamadi iyo Daawooyin.

Dhinaca kale dowladda Imaaraadka Carabta waxay sheegtay inay soo dhaweynayaan madaxa cusub ee golaha Milliteriga ee la wareegay talada dalka Suudaan isla markaasna ay taageero Aadminimo gaarsiin doonaan Shacabka Suudaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*