Dowlado kale oo aqoonsanaya Baasaboorka dalka Somalia

Shalay laba ka mid ah dowlaaha Yurub ayaa waxa ay aqoonsadeen baasaboorka Soomaaliya iyada oo la rajaynayo in dowladdo kale ay aqoonsadaan,waxaana faah faahin ka bixisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Cali Siciid Fiqi ayaa sheegay in ay la fariisteen dowalado badan isla markaasna ay tuseen inay waajib tahay inay aqoonsadaan baasaboorka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay inay warbixin ka weydiiyeen sida loo sameeyo baasaboorka Soomaaliya iyo warbixin ay hore u soo saartay dowladda Norway oo ku saabsanaa Baasaboorka Soomaaliya.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in maalmaha soo socda ay sugayaan in Baasaboorka Soomaaliya aqoonsadaan dowladaha Holand iyo Sweden iyo Biljamka.

Dalal badan oo reer galbeed ah sida France, Italy iyo Norway ayaa hore u bilaabay inay fiisooyin ku bixiyaan baasaboorka Soomaaliga taas oo guul u ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*