Duqeyn ka dhacday deegaano ka tirsan G/Shabeellaha Hoose

Wararka aan ka helayno gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in diyaarado dagaal ay duqeyn xalay saqdii dhexe ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Duqeyntan ayaa waxaa la sheegay in laga fuliyey deegaanka lagu magacaabo Kuunya-barrow Jannaale oo ka tirsan gobolka Shabeeellaha Hoose oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Dad deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in xalay maqlayeen dhawaqa jug culus sidoo kalena guuxa diyaaradaha oo dulmaraya hawada laga maqlay deegaano ka tirsan gobolkaasi.

ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay duqeyntii xalay laga fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose mana jirto weli cid si rasmi ah uga hadashay duqeyntaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*