Faah faahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa Qaraxii ka dhacay Muqdisho & Khasaaraha oo…..

Waxaa faah faahino dheeraad ah ay kasoo baxayaan qarax goor dhoweyd ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo lala eegtay gaari nooca raaxada ah.

Goob jogayaal ayaa sheegay in gaariga qaraxa lagu soo xiray uu ahaa gaari Hilux ah isla markaasna aan la ogayn ruuxa gaariga qaraxa loogu soo xiray waxa uu ahaa.

Inta la xaqiijiyay 4 ruux ayaa ku dhaawacmay qaraxa kuwaas dhaawacooda oo loola cararay mid kamid ah cisbitaalada ku yaala magaalada Muqdisho halka gaarigii lagu xirayna weli uu sii holcayo sida ku cad sawirkan hoose.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*