Faah faahino kasoo baxaya qaraxii ka dhacay Muqdisho

Sida ay kusoo waramayaan goob joogayaa qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxaysa isgoyada Xaawa Taako iyo Daljirka Dahsoon.

Qaar kamid ah wariyayaasha oo ku sugan agagaagrka uu qaraxu ka dhacay ayaa soo sheegaya in qaraxaasi uu ka dhashay khasaarayaal u badan dhaawacyo, waxaana goobta uu qaraxaasi ka dhacay ay ahayd goobo maqaaxi ah.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel dhowr talaabo u jirta bar koontarool oo ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin afaafka hore ee isgoyska Xaawa Taako ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa xiray dhamaan wadooyinka soo gala halka ay wax ka dhaceen, iyagoo baaritaano xoogan kawada halkaasi.

Gaadiidka gar gaarka deg dega ah ayaa lagu arkayaa meesha ay wax ka dhaceen, iyagoona soo daad guraynaya dhaawacyada ka dhashay qaraxaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*