
Ugu yaraan 4 Falastiiniyiin ayaa shahiiday, 316 kalena wey dhawaacmeen iskaa horimaad ay Askarta Israel kula galeen Bariga Marinka Qasa, meel ku dhow xuduudka Yuhuudda.
Hadal-qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka ee magaalladda Qasa ayaa lagu sheegay in Bilaal Najar oo 17-jir u gereiyooday dhaawacyo rasaaseed o oay Askarta Yuhuudda madaxa kaga dhufteen,.
Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Qasa, Ashraf Al-qedra waxa uu sheegay in Marxuum Tamer Abu Al-kheyr oo 17-jir ahaa uu u gereiyooday rasaasta ay Yuhuuda ku fureen isagoo ku sugnaa Bariga magaalladda Khaan Yoonis ee Koonfurta Marinka Qasa.
Afhayeenka waxa kale oo uu sheegay inay 316 Falastiiniyiin ah oo ay ku jireen 4 Saxafi lagu dhaawac toogashadda Askarta Yuhuudda la beegsadeen Dibadbaxyaasha Falastiin oo ilaa iyo xalay dhigayey Dibadbaxyadda Dib-u-noqoshadda dadka Reer Falastiin ooh al sanno jirsaday.
Be the first to comment