
Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in lagu xidhay gudaha magaaladaasi gudoomiyihii hore ee gobolka Sool Abukar C/raxmaan Gelle oo maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa Laascaanood.
Xadhiga Gelle ayaa loo aanaynayaa eedaymo uu u jeediyey Qoyska madaxweyne Muuse Biixi iyo xadhiga Xildhibaan Dhakool oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliland oo Hargeysa ku xidhan oo uu ka hadlay.
18-ka May oo ah maalin u astaysan Somaliland ayuu sheegay in ay tahay maalin gaar ah u ah Beelaha Somaliland qaarkood, waxaana uu xusay in 26b Junne ay tahay maalin khaas u ah goboladda Waqooyi madaama xoriyadoodii 1960-kii bishii Junne 26-keedii ay ka qaateen gumaystihii Ingiriiska.
Waa markii labaad ee Laascaanood lagu xidho gudoomiyihii hore ee gobolka Sool Abukar C/raxmaan Gelle bishan gudaheeda, waxaana uu muddo 6 Bilood ah soo noqday gudoomiyaha gobolka Sool ee Puntland xukuumaddii hore ee madaxweyne Gaas oo uu iska casilay xilkaasi dhamaadkii sanadkii tagay ee 2018.
Be the first to comment