Hay’ada Care Oo Kaashanaysa Wasaarada Waxbarashada Puntland Ayaa Garoowe Tababar Uga Furtay Arday Doonaysa Inay Noqdaan Macalimiin .

Magaalada Garowe waxaa lagu qabtay Xaflad lagu daah-rayay tabar loo samaynayo Ardayda ka baxday dugsiyada Sare ee Puntland,kuwaas oo doonaya in ay noqdaan macalimiin.

Kuliyadda tabarka macalintiinta Garowe ee GTEC ayaa ardaydaan tabaraysa mudo labo sano ah, waxaana ay gaarayaaan 110 arday oo Gobolada Puntland laga soo xulay, ayadoo kharashka ku baxaya ardaydaaan ay ka bixinayso HAY’ADDA CARE oo kaashanasa Wasaaradda Waxbarashadda Puntland.

Gudoomiyaha kuliyada tabarka macalimiinta ee GTEC Cabdiraxmaan Sheekhdoon ayaa ka sheekeeyay ardadaan iyo maadooyinka lagu tababari-doono mudada labada sano ah ee ay ku jiraan tababarka macalinimo,wuxuuna tilmaamay in ardayda ay laga soo xulay dhamaan Gobolada Puntland arday kastana lagu tabari-doono ugu yaaraan labo maado.

Cali Axmed Maxamed oo ka socday Hay’adda Care oo barnaamijka hirgalisay ayaa tilmaamay in ujeedka laga leeyahay Barnaamijkaan ay tahay in kor looqaado aqoonta waxbarasho ee deegaanada Puntland,isagoo ardayda kula dar-daarmay in ay ka faa’iidaystaan fursadaan ay heleen.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Puntland Bashiir Jaamac Maxamed ayaa tilmaamay in fursada ay heleen ardaydaan ay tahay mid qaali ah oo aysan arday badan oo la mid ah helin,balse looga fadhiyo in ay ka soo dhalalaan waxbarashada,wuxuuna usoo jeediyay in ay markasta la yimaadaan anshax iyo dhaqan wanaagsan,si ay ula jaan-qaadaan umadaha caalamka.

Tabarkaan loofuray ardayda doonaysa in ay noqdaan macalimiin ayaa socon-doona mudo labo sano ah,waxaana loo tabobarayaa Dugsiyada Hoose/Dhexe iyo Sare in ay macalimiin ka noqdaan marka uu tababarku u dhamaado,waxayna isku jiraan wiilal iyo Gabdho

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*