HAY’ADA KAALO AID OO GAALKACYO KU QABATAY TABABAR KU SAABSAN ILAALINTA XUQUUQDA MAXAABIISTA UNA QABATAY POOLISKA IYO MAXKAMADAHA G.MUDUG.

Tababarkan oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo loona qabtay Saraakiil ka socotay Poliska iyo Xafiiska Xeer Ilaalinta iyo Garsoorayaasha ee Maxkamadda Darajada Koowaad iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Racfaanka G. Mudug, waxaana tobarkaan furitaankiisa kasoo qayb galay masuuliyiin ka socotay Hay’ada UNHCR oo toobarkaan maalgaliyay iyo Taliye Xigeenka Qaybta Booliska Gobalka Mudug Cabdisiciid Xuseen Jaamac , Waxayna UNHCR uga mahadcelisay Taliyaha Qaybta iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobalka Mudug oo Xafladii Furitaanka Toobarkaan ka Kasoo Qaybgalay, waxayna kula dardaarantay in ay ka faa’iidaystaan casharada uu bixin doono macalinka tobabarkaan Bixinaya, si ay xirfadooda kor ugu qaadaan.

Toobarkaan oo Laba maalmood socday ayay saraakiisha Pooliska iyo Maxkamadduhu ku baranayaan sida loo ilaaliyo Xuquuqda Bani’aadamka gaar ahaan xuquuqda bini aadanimo ee ay leeyihiin Maxaabiista xiran iyo waliba sida uga haboon oo danbi loo baari karo Maxaabiista lasoo Xiro.

Toobarkaan waxaa maalgaliyay Hay’ada Qoxootiga u qaabilsan qaramada Midoobay ee UNHCR, waxaana Fuliyay Hay’ada Maxaliga ah ee Kaalo Aid and Development Org waxaana tababarkan oo kale horay loogu soo qabtay Magaalooyinka kale ee Puntland Sida Boosaaso iyo Garoowe, wuxuuna Qayb ka yahay mashaariic balaaran ay Kaalo Aid ka fulinayso deegaanada Puntland.

Mahan markii ugu horaysay oo tababar noocaan oo kale ah ay hay’ada kaalo u qabto Poliska, Xafiiska Xeer ilaalinta iyo Garsoorayaasha Maxkamaddaha G.Mudug, balse toobarkaan ayaa kusoo beegmay xili loo Baahnaa, wuxuuna ahaa toobar aad muhiim ugu ah shaqadooda si loo ilaaliyo xuquuqda bini’aadamka iyo Maxaabiista iyo hanaanka barista dambiyada ee Pooliiska.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*