Hay’adda bixinta Somali Passport ee Muqdisho oo fashil xoogan soo wajahay & Adeegii Internetka oo laga jartay

In kabadan 6 maalmood wax shaqo ah ma qaban shaqaalaha ka shaqeeya Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowlada Soomaaliya waxaana helnay warar lagu kalsoonyahay, kuwaas oo sheegaya in muddo lix maalmood ah shaqo laga qaban dhinaca daabacaada Baasaboorada iyadoo in ka badan 1000 qofood loo daabicin Baasabooradoodii.

Tani ayaa ah mid waji gabax ku ah dowlada Soomaaliya madaxdeeda mar hadii ay shaqadii u joogsatay internet la’aan sida ay sheegayaan dad weynaha sugaya Baasaboorada inakstoo hay’addani tahay mida ugu muhiimsanayd dalka.

Mid kamid ah dadka sugayey Baasaboorada ayaa waxa uu sheegay in uu mudo lix maalmood ka badan uu ka maqan yahay Baasaboorkiisii, waxaana uu yiri mar uu arimahaasi ka hadlayey “Waxaan ka imid degmada Hilaawa waa ay igu adag tahay inan soo aado maalin walba waxaana la yaabanahay sida uu xaalku yahay iyo xafiiska bixinta Baasaboorada oo shaqadiisii gabay sidaas darteed waxaan codsanaynaa in madaxda dowladda ugu saraysa ay soo faragaliyaan arintan”.

Marka laga yimaada hadalka muwaadinkan oo magaciisa diiday in warbaahintu isticmaasho waxaa jira warar hoose oo shagaya in internet la’aan aysan jirin balse xurguf hoose u dhaxayso madaxda hay’adda dhexdooda ay sababtay in ay hakadaan bixinta Baasaboorada oo dad badan ay haatan u xayiran yihiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*