Jubaland Oo Digniin U Dirtay Dadka Wada Kicinta Bulshada.

DalmarMedia.Net(Kismaayo)- Iyadoo lagu wado inay dhawaan doorashooyin ka dhacaan deegaannada Jubbaland ayaa waxaa haddana baraha ay ku xiriirto bulshada lagu baahinayaan warar kala duwan oo ku aaddan cidda ka qayb-galaysa doorashada iyo musuq-maasuq iyo faragelinnno ka dhan ah doorashada.

Jubbaland ayaa wuxuu soo saaray bayaan loogu digayo dadka wada kicinta dadweynaha iyo khal-khalinta amniga ee Jubbaland ee ku sugan deegaanada maamulkaas uu ka taliyo.

War-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in xeer-ilaalinta dowlad-goboleedka Jubbaland ay tallaabo ka qaadi doonto cid kasta oo ku lug yeelata kana qayb-qaadata kicinta bulshada iyo falal lidi ku ah amniga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*