
Kulamo kala duwan oo looga soo horjeedo madaxweynaha maamulka Hir-Shabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka socda magaalada Jowhar ee caasimada Hir-Shabelle.
Qaar kamid ah xildhibaanada Hir-Shabelle ayaa sheegay in madaxda sare ee maamulka Hir-Shabelle ay sameeyeen musuq maasuq baahsan isla markaasna wado khaldan ay mariyeen mushaharadkii loogu tala galay.
Wasiiradii uu magacaabay madaxweyne Waare ayaa iscasilay, waxaana ay sheegeen in aysan u qalmin xilka loo magacaabay oo ah mid hooseeya waa sida ay ku doodayaan wasiir dowlayaal uu magacaabay madaxweyne Waarre.
Madaxweynaha Hir-Shabelle ayaa dhawaan ka hortagay Mooshin ay ka wadeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hir-Shabelle.
Be the first to comment