Kulan Looga hadlayey Habraaca samaynta Siyaasadaha dawladda Puntland oo lagu qabtay Garoowe

Kulankaan oo lagu soo bandhigayey habraaca samaynta siyaasadaha dawladda Puntland  ayaa waxaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee dawladda Puntland waxaan shir guddoominayey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta.

Kulanka ayaa waxaa looga doodey habraacan oo ay soo diyaariyeen khuburo caalami ah oo ay dawladda Puntlan du wakiilatay samayntiisa iyadoona  uu in muddo ah soo socdey isla markaana hore loogu soo lafo guray shirar lagu qabtay Garoowe iyo Nairobi si loo helo hannaan sax ah oo qeexaya samaynta siyaasadaha dawladda.

Buuggaan habraaca ah ayaa waxa uu ka caawin doona hay’ad walba oo kamid ah hay’adaha dawladda Puntland sidii ay u samaysan lahay siyaasad u gaar ah hay’addaasi oo shaqadeeda la xiriirta iyo  sidii loo samayn lahaa siyaasadaha guud ee dawladda.

Arrintaa ayaa gundhiggeedu yahay hal-kudhiggii Madaxweynaha dawladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ee ahaa Tayayn iyo Tiigsi, waxayna lagama maarmaan u noqotay hannaanka tayaynta shaqada hay’adaha muhimka ah ee dawladda Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*