Maamulka Hir-Shabeelle oo cadeeyey mowqifka Doorashooyinka 2020/21

Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa Maanta Lix qodob kasoo saarey mowqifkooda ku aadan doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan Sanadka 2020/21.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Hir-Shabeelle ayaa lagu cadeeyey in aan la aqbaleyn muddo kororsi,sidoo kalena doorashada ay dhamaan ka wada qeyb qaataan  Ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Hir-Shabeelle ayaa Warsaxaafadeedka ku cadeysay inay la socdaan dooda Xildhibaannada ee Sharciga doorashooyinka,isla markarkaana Hir-Shabeelle ay garwaaqsan tahay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo jilicsan oo kasoo kabanaya Colaad.

Ugu dambeyn War-Saxaafadeedka ayaa looga codsaday saamileyda Siyaasada Soomaaliyeed ee xilal doonka ah inay horyimaadaan dadka ay matalaan una soo gudbiyaan fekerkooda si ay cod uga helaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*