Madaxa Golaha KMG ee dalka Sudan oo la kulmay Wafdi ka socday Maraykanka

Jeneral C/Fataax Al- Burhaan oo Madax ka ah Golaha TSC ee hayinka u haya dalka Sudan waxa uu Maanta xubno ka socda Aqalka Senedka Maraykanka kula kulmay Qasriga Jamhuuriga (The Republican Palace) ee magaalladda Khartoum.
Wafdiga uu Al-burhani la kulmay oo ka kooban 2 xubnood waxay ka tirsan yihiin Guddiga Xiriirada Arrimaha Dibedda ee Aqalka Senedka ee Maraykanka.
Wafdiga waxaa hoggaaminayo Senator Christopher Coons, iyadoo uu wehliyey Senator Chris Van Hollen.
Warbaahinta Dowladda Sudan waxay sheegtay in Kulankaasi diirada lagu saaray Xiriirka Maraykanka iyo Sudan, Xalinta Khilaafka Sudan iyo Ethiopia ee Muranka Biyo-xireenka GERD iyo sidii ay Hay’addaha Caalamiga taageero uga geysan lahaayeen Taakulaynta Kumanaanka Qaxootiga Ethiopianka ee ku nool Xeryaha ku yaalla gudaha dalka Sudan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*