Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Ka Warbixiyey Barnaamijka Numberka Ganacsadaha ee TIN.

Wasaaradda Maaliyada Dawlada Puntland waxaay waday Mudo, Dib u habaynta Barnaamijyo Badan oo faa’iido uleh Hanaanka Maaliyadeed ee Dawlada Puntland, waxaan ka mid ah Barnaamijyadaas, Dib u habaynta Canshuuraha Dawlada puntland “tax Reforms”, Dib uhabaynta iyo Casriyeynta Hanaanka Technology iyo kaydka Xogta Canshuur bixiyayaasha oo lagu kaydinayo “PFMIS” iyo u Guurida “Digitalization” Casri ah lagana guuro Hanaankii Hore ee Traditional ahaa.

Waxaana ka Taageeraya Barnaamijyadaas Bangiga Aduunka (World Bank) waan Barnaamijyo uu waday Bangiga Aduunku Guud ahaan Dalka Somalia heer Federal ilaa Heer state.

Intii Xukumada Cusub ee Deni Hogaaminyo timi waxaa lagu sameeyey Dib u habayn Shaqalaaha Wasaarada Maaliyada Puntland heer Gobol ilaa Heer Degmo waxaan Hogaaminayey isbedeladaas taabo galay oo Gadh wadeen ka ahaa Wasiirka Wasaarada Maaliyada Puntland Hassan Shire Abgaal iyo Team-kiisa Wasaarada Maaliyada.

Waxaa kordhay Dakhliga wasaarada Maaliyada Puntland intii wasiir Hassan Shire Abgaal la wareegay wasaarada Maaliyada puntland, wuxuuna ku sameeyey isbedelo Dhanka Shaqaalaha Wasaarada ilaha Dakhliga Maaliyada.

Wasaaradu waxay samaysay Tabararo loo qabtay Shaqaalaha Wasaarada Maaliyada, Sida Shaqalaaha Dakhliga, Shaqaalaha Miisaniyada, Shaqaalaha Xisaabadka iyo wacyi gelinta Canshuur Bixiyayaasha Dawlada Puntland, Waxaan la soo Maray Badi Gobolada Punland, waxaan Daadihinayey Barnaamijyadaas Team-ka “Tax Education” iyo Team-ka TOT Wasaarada Maaliyada Puntland.

Waxaan Sidoo kale la Sameeyey Wacyi gelin Dhanka Canshuur bixiyayayasha Wasaarada “awareness campaign” lagu Dhiiri gelinayo Canshuur Bixiyayaasha iyo qaadashada “Tax Identification Number” TIN-ka Lambarka Aqoonsiga Canshuur bixiyaha oo ilaa hada Socda.

Wasaaradu waxay wadaa ilaa Hada isbedelo fiican oo Hano qaaday intooda Badan, kuwa hadhayna ilaa hada lagu Guda jiro lana Dhamaystiri Doono intooda Badan inta ka Dhiman Sanadkan Cusub 2020 haddii eebe idmo.

Sumada aqoonsiga Canshuur Bixiyaha ama Number (Lambarka)-ka Aqoonsiga Cashuur Bixiyaha ee afka Qalaad lagu yidhaahdo “Taxpayer Identification Number” (TIN) lana siiyo Canshuur bixiye kasta oo Dakhli soo galo ama “income” waxaa Bixisa Waaxda Dakhliga ee wasaarad Maaliyada ee Dal kasta.

Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland waxaa ka socda Dib u habaynta canshuurta guud ahaan gaar ahaana inay kala soocdo canshuur bixiyaasha ka hawl gala Degaanada Puntland, Ganacsatada waa weyn, kuwa Dhexe, kuwa yar yar iyo kan Shaqsiga (Individual Taxpayer)qof kasta oo Dakhli soo galo in la siiyo Number-ka (Lambarka) aqoonsiga Canshuur Bixiyaha, ma ah wax ku cusub Dunida Number-ka (Lambarka) Aqoonsiga Canshuur Bixiyuhu waxaa isticmaala oo laga hir galiyey Dalal Badan oo ay ka mid yihiin USA, Canada, Russian, China, Nigeria, India, Chile, Saudi Arabia, Ghana, Kenya, iyo Dalal kale oo badan, August 2018 waxaa Bilaabay Barnaamijkan oo hirgelisay Dawlada Ethiopian iyaduna, Dawlada Federalka Somalia iyo Guud ahaan Maamulada Xubnaha ka ah Dawlada Federalka Somalia ayaa hada Bilaabaya, waxaan hormuud u ah Dawlada Puntland oo hada ilaa 2018 waday Barnaamijkan loona Sameeyey “Database” fiican oo Securitigiisa (ilaalintiisa ama amniga xogtu aad u sarayso) iyo Tayadiisu aad u fiican tahay oo lagu Diiwaan gelinayo Dhamaan Canshuur Bixiyayaasha Dawlada Puntland Ganacsade iyo qof Dhaqaale soo Galoba “ Individual taxpayer” , lana siinayo Number-ka aqoonsiga Canshuur bixiyaha Ganacsade kasta oo Dakhli soo galo oo Canshuur bixiye ah.

Agaasinka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dawlada Puntland waxa ay Fulinaysaa Barnaamijka Qaadashada Lambarka aqoonsiga Canshuur Bixiyaha, Lambarka Aqoonsigu wuxuu noqon Doona mid u gaar ah Ganacsade walba iyo qof walba oo Dakhli soo galo si uu uga Duwanaado muwaadiniinta kale ee aan canshuurta bixin. Waa Lambar lagu ogaanayo Muwaadinka Bixiya Cashuurta Dalka iyo Muwaadinka aan Waxba Bixin, Lambarka sumada Aqoonsiga canshuur Bixiyaha waa Lambar uu qaadan karo Ganacsade Adeeg Bixiya (Services Provider), Ganacsade Alaab iibiya (tangible product ) iyo qof kasta oo Dakhli soo galo canshuurna ku waajibtay (Individual taxpayer).

Waa Maxay Lambarka Aqoonsiga Canshuur Bixiyahu? Lambarka Aqoonsiga Canshuur Bixiyaha Puntland (TIN) Wuxuu ka koobanyahay 14 Lambar Tusaale ahaan (30000000123456) Lambarkaas oo qof walba la siin Doono, Ganacsiga waa weyn (Large business taxpayers), Ganacsiga Dhexe (Medium Business taxpayers), Ganacsiga yar yar (Small Business Taxpayers) iyo kan qofka Canshuur Bixiyaha (Individual Taxpayer), Haa’yadaha Caalamiga ah INGO iyo LNGO inay qaatan Lambarka aqoonsiga Canshuur bixiyaha waa waajib Saaran, Bixiyaana Canshuurta ku waajibtay, Canshuurta iibka (sales tax) Canshuurta Mushaarka Shaqaalah, (payroll income tax), Canshuurta Faa”iidad Ganacsiga, (profit tax) iyo Canshuurta qofka raacda, (VAT tax), iyo Dhamaan Canshuuraha kale ee ku waajibay muwaadiniinta Puntland.

SAWIRRO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*