
Madaxweynaha dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo ah 1-da August, oo loo dabaaldegayo sannad guuradii 24-aad ee aasaaska Puntland, wuxuu Garoowe ka daah-furay 4 mashruuc oo isugu jira waddooyin laamiyo ah iyo qorsheyaasha cagaarinta, Iftiiminta iyo nashqdeynta magaalada.
Mashaariicda lagu horumarinayo caasimadda ee saaka Madaxweynuhu daah-furay ayaa kala ah :-
* Xarig jarka waddada laamiga cusub ee jidka 30-ka oo si casri ah loo dhisay.
* Dhaggax dhigga dayactir lagu sameynayo qeybtii hore u dhisneyd waddada jidka 30-ka.
* Mashruuca cagaarinta iyo iftiiminta magaalada.
* Qorshaha nashqadeynta magaalada
Madaxweynaha ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan ee socota, wuxuuna muujiyay in dawladdu ay wakhti badan iyo dadaal gelisay, ayna ka go’antahay dhismeyaasha waddooyinka iyo horumarinta adeegga Bulshada loo hayo.
xigasho Ayuub Hudayfi
Be the first to comment