Madaxweynaha Jabuuti oo ku wajahan caasimada Somalia ee Muqdisho

Wararka aan ka helayno dalka Jabuuti ayaa sheegaya in madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu maanta kusii jeedo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Wafti balaadhan oo ay qayb ka yihiin xildhibaano, wasiiro iyo waxgarad ayaa kamid ah xubnaha uu hoggaaminayo madaxweyne Geelle, kuwaas oo Muqdisho kaga qayb gali doona furitaanka kalfadhiga aqalka sare ee dalka.

Waa markii labaad ee Muqdisho uu booqan doono madaxweyne Geelle, waxaana hada socda soo dhaweynta iyo diyaar garowga loogu jiro imaanshihiisa madaxweynaha.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaa meelaha qaar lagu sharaxay sawirka madaxweynaha jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle halka wadooyinka qaarkood maanta la xidhay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*