
Xaaladda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa ah mid degan kadib markii maalin ka hor lagu diley maareeyihii dekedda Boosaaso ee shirkadda P&O Ports Paul Formosa.
Shaqadii dekedda magaalada Boosaaso oo xanibnayd muddo labo maalmood ah ayaa la filayaa inay si rasmi ah dib shaqayso, inkastoo aysan jirin shaqo xawli ah oo ka socota dekedda oo ah isha ugu wayn ee dhaqaalaha Puntland.
Ciidamada ammaanka Puntland ayaa laban laabay hawlgalada ay amaanka ku xaqiijinayaan, waxaana lagu soo waramayaa inay gacanta ku dhigeen shakhsiyaad la rumaysan yahay inay xiriir la leeyihiin ururada Daacish iyo Al-shabaab.
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ayaa la filayaa inuu safarkiisii ugu horeeyey ku tago magaalada Boosaaso tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynaha Puntland 8dii January ee 2019.
Be the first to comment