Madaxweyne Erdogan Oo Codkiisa Ka Dhiibtay Doorashadda Ku-Celiska Ee Maayarka Istanbuul

Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan oo ay wehliso Xaaskiisa waxa uu maanta codkiisa ka dhiibtay Doorashadda Ku-celiska ee Duqa magaalladda Labaad ee ugu weyn dalkaasi ee Istanbul.

Doorashadaasi oo maanta bilaabantay waxaa la filayaa inay in ka badan 10.5 million oo qof  codkooda ka dhiibtaan Doorashadaasi ku-celiska ah.

Madaxweyne Erdogan waxa uu tilmaamay inay dadka Reer Istanbul samayn doonaan Doorashadda ugu wanaagsan ee magaalladooda.

Doorashadaasi waxay bilaabantay 8-dii aroornimo ee saakayto xilliga Turkiga, iyadoo 31,242 sanaadiiqda Cod-bixinta la dhigay 39 Degmo ee Istanbul.

Murashax Binali Yildirim oo ka socda Xisbiga Caddaaladda iyo Horumarinta ee PK Party ee haya talada dalka Turkiga  iyo Murashaxa Ekram Imamoglu oo ka socda Xisbiga Mucaaradka ee Jamhuuriga ee (CPH)  ayaa u tartama Doorashada Ku-celiska ee Maayarka magaalladda Istanbul.

Doorashadii hore ee loogu tartamayey Duqa magaalladaasi oo la qabtay bishii Maarso 31-dii ee sannadkan ayaa waxaa Kansal-gareeyey Golaha Sare ee Doorashooyinka ee dalkaasi.

Duqa cusub ee maanta la dooran doono waxa uu xilka Maayarka Istanbul hayn doonaa shanta sanno ee soo socota.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*