Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay qaar kamid ah waddooyinka ay Dowladdu dayac-tirka ku samaysay

SIN-UJIIF-Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay qaar kamid ah waddooyinka ay Dowladdu dayac-tirka ku samaysay.
Wadada SIN-UJIIF oo ah halka la daah-furay ayaa Dowladdu ku guulaysatay in la dhamaystiro 37 Biyo mareen iyo 9Km oo laami ah waxana fulisay Shirka Albaashid.
Daah-furka Wadada waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku weheliyey Wasiirka Maaliyadda,Wasiirka Hawlaha Guud, Wasiirka Haweenka, Wasiirka Warfaafinta, Gudoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Puntland, Taliyaha Ciidamada Booliska, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo mas’uuliyiin kale.
Bulshada Puntland ayaa baahi wayn uqabtay dib u-habeynta wadooyinka oo ay burburiyeen roobkii Puntland ka da’ay 2019.
Lacagta ku baxday Wadooyinka Puntland waa cashuurtii shacabka laga qaaday oo dib loogu celiyay waana hogaaminta siyaasadda Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo
Wasiirkiisa Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi oo beekhaamin ku sameeyey dakhliga dalka Bulshadana wax loogu qabaty.
Xigasho Ayuub Hudayfi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*