Maraykanka oo ciidamo dheeri ah u daraya xuduuda uu la wadaago dalka Mexico

Dowladda Maraykanka ayaa waxaa ay ciidan dheeraad ah oo gaaraya 2000 askari waxay u diraysaa xuduudda Mexico sida uu ku dhawaaqay Pentagon ka Maraykanka.

Tiradda guud ee ciidanka Maraykanka xuduudda ka jooga ayaa noqonaysa 4,300 oo askari.

Waaxda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in ciidamadaasi ay ilaaladda xuduudda ka caawinayaan ka hortagga muhaajiriinta iyo in dhul dheer ay ku xiraan Silig Sakiin ah.

Talaabadan ayaa imaanaysa xilli Donald Trump iyo aqalka Congress-ka ay ku khilaafeen in darbi laga dhiso xuduudda Mexico iyo Maraykanka.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in hadii darbi la dhiso lagu guulaysan doono in si fudud looga hortago muhaajiriinta.

Madxweyne Trump ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka dheeriga ah ee xuduudda loo dirayo ay ka qayb qaadanayaan ka hortaga muhaajiriinta ku qul qulaya gudaha Maraykanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*