Maraykanka oo faah faahi ka bixiyey duqeyn ka dhacday G. Hiiraan

War kasoo baxay taliska Maraykanka ee qaaradda Afrika ayaa lagu faah faahiyay howlgal ka dhan Alshabaab kaasi oo ka dhacay 1-dii bishan gobolka Hiiraan, waxaana Maraykanka uu sheegay in uu Shabaab gaarsiiyay khasaare.

Warka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Soomaalida oo kaashanaya kuwa Maraykanka ay bartilmaameedsadeen deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan isla markaasna ay halkaasi ku dileen ku dhawaad 26 dagaallame.

Taliska Maraykanka ayaa sheegay in howlgalka intii uu socday ay ka qeyb qaateen diyaaradaha aan duuliyaha la heyn ee Maraykanka islamarkaana lagu burburiyay Gaadiid iyo goobo muhiim ah oo ay lahaayeen Al-Shabaab.

“Dowladda Maraykanka waxaa ka go’an sii wadista beegsiga Al-Shabaab si ay uga hor tagaan dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan,iyadoo sidoo kale mar walba la xaqiijinayo in aan khasaare dhimasho iyo dhaawacba soo gaarin dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska Maraykanka.

Diyaaradaha dagaalka Maraykanka ayaa muddooyinkii dambe waxa ay kordhiyeen duqeymaha ay la beegsanayaan saldhigyada Shabaab ay ku leeyihiin Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*