Maraykanka oo markii u horraysay argagixisada ku daray milatari dal kale

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa urur argagixiso oo ajnabi ah ku shaanbadeeyay ciidammada ilaalada kacaanka Iiraan.

Waa markii koobaad ee Maraykanku milatari dal kale ku tilmaamo urur argagixiso.

Iiraan oo arrintaas ka aarsanaysa ayaa ciidammada Maraykanka ee Bariga Dhexe ku sugan ku tilmaantay urur argagixiso, sida ay ku warrantay warbaahinta dawladda Iiraan.

Xiisadda dhextaalla Washington iyo Tehran ayaa sare u sii kacday tan iyo markii Trump uu dawladda Maraykanka ka saaray heshiiskii caalamiga ahaa ee Nukliyeerka ee Iiraan.

Argagixisada uu ku shaambadeeyay ciidammada ilaalada kacaanka Iiraan ayaa Maraykan u saamaxaysa in uu cunaqabatayn hor leh saaro – gaar ahaan marka ay timaaddo dhanka dhaqaalaha, maadaama ciidammadaas ay ku lug leeyihiin dhaqaalaha Iiraan.

Qaar ka mid ah ciidammada ilaalada kacaanka iyo shirkaddo xiriir la leh ayuu hadda kahor Maraykanku dul dhigay cunaqabataynno, iyaga oo lagu eedeeyay in ay argagixisada taageeraan iyo in ay meel uga dhaceen xuquuqda aadanaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*