Mas’uul ka tirsanaa wasaaradda arrimaha gudaha oo lagu dilay Muqdisho + Magaciisa & Sawirkiisa

Kooxo hubeysan ayaa waxa ay Xaafada Al-baraka ee degmada Hodan gobolkan Banaadir ku dileen sarkaal ka tirsanaa wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya.

Mas’uulka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Maxamed Cosoble (Cabdi Madoobe), waxana la sheegay in kooxaha hubeysan ay toogteen xilli uu ka baxayay hooygiisa isla markaana uu watay gaari kadibna ay baxsadeen.

Qaar kamid ah eheladiisa ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dilkaas iyo in uu ka tirsanaa wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya.

                                                  Sawirka masuulka la dilay

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa tagay goobta uu dilka ka dhacay, kuwaas oo sameeyay hawlgallo aan wax natiijo ah kasoo bixin.

Al-Shabaab ayaa sheegtay dilkaas, waxaana warar ay ku qoreen Baraha Internet-ka ku sheegeen in uu ka tirsanaa wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya isla markaana dilkaasi ay ka dambeeyeen.

Dilalka qorsheysan ee loo gaysanayo mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda federaalka ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxaaana dhawaan Suuqa Bakaaraha lagu dilay mas’uul ka tirsanaa maamulka degmada Hawl-Wadaag ee gobolkan Banaadir.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*