Masuuliyiin uu ku jiro wasiirka maaliyadda puntland oo Booqasho ku Tagay Degmada Carmo

CARMO- Mas’uuliyiin katirsan Golaha Wasiiradda Dowladda Puntland ayaa booqasho ku tagay Degmada Carmo ee Gobolka Bari.
Waftiga wasiirada ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Wasaradda Maaliyadda Puntland Wasiirka Wasaradda Hawalaha Guud Wasiirka Wasaradda Warfaafinta, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta iyo Mas’uuliyiin kale.
Maamulka Degmada iyo Kan Gobolka Bari Ayaa Mas’uuliyiinta ku soo dhaweeyey xarunta Degmada ee Carmo.
Dhinaca kale Guddoomiaha Degmada Carmo Ayaa Wasiirada uga warbixiyey xaalada guud ee degamada iyo qorshayaasha horumarineed ee ka socoda degamada.
Ugu dambayn Wasiirada ayaa Maamulka degamada Carmo ku amaanay waxqabdka balaaran ee ay degmadu gaartay waxayna u balan qaadeen in Dowladdu ku garabsiinayso horumarka ay sameeyeen.
Xigasho Ayuub Hudayfi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*