Maxkamadda G. Banaadir oo amartay in xabsiga lagu sii hayo ninkii Ajnabiga ahaa ee lagu qabtay garoonka Muqdisho

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa amaratay in xabsiga dhexe ee Xamar lagu sii hayo Antony Thomas oo ah 48 sani jir u dhashay Boqortooyada Ingiriiska.

Antony Thomas ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir sida ay sheegtay waxaa loo heystaa isku day Qatar gelinta degenaanta guud iyo ku guul dareysiga sheegitaanka waxyaabaha Qarxa, kuna eedeysan Qodobada 332-531 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Ciidamada Ammaanka ayaa Sabtidii lasoo dhaafay oo Taariikhdu ay aheyd 19-kii Bishaan waxay ay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho waxay ka qabteen Antony Thomas, islamarkaana loo gudbiyey qeybta Dambi baarista ee C.I.D.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*