Muxuu xayawaanka kale uga duwan yahay QOOQA Diinku?

Diinku wuxuu ka mid yahay noolaha duurjoogta gaar ahaana kuwa loo yaqaano xamaaratada waana xayawaanka ku nool dhamaan mandiqada Soomaalidu degto wuxuuna caan ku yahay dhuukin/gaabin isagoona ah noolaha ugu gaabiya xayawaanka rabi abuurey ..

Hal qabsiyadda iyo sheekooyinka soomaalida aad ayuu ugu badan yahay,sidoo kale waa hogo tusaaleyn ay ku tilmaamsadaan Soomaalidu ku cimro qaadashada markay noqoto sida uu rabi u irsaaqo iyo dahaarka dushiisa gaashaanka u ah madaama uusan orod uga feken karin cadow kasta oo ugaarsanaya.

Sida noolaha kale waa uu tarmaa,wuxuuna u qeybsan yahay labada jinsi ee labka iyo dhediga haddaba haddii aad horey u aragtey xayawaan isu orgoonaya sida xoolaha,bisadaha iyo qeybo kale oo ka mid ah ugaadha marna ma isweydiisay amase u malaynaysaa diinku inuu kala mid yahay qeybo badan oo ka mid ah xayawaanka xilliyadda barwaaqada marka uu intifaacsado raxmaadka Eebe inuu qooqo sida ay u qooqaan duunyadda ama xoolaha la dhaqdo …

Tani waa sheeko Warbaahinta Dalmar Media muuqaal uga duubtey diin lab iyo dhedig ah oo rafiiq ku ah keymaha roobsadey ee hawdka Gobolka Nugaal,haddaba daawo muuqaalka hoose.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*