DAAWO – Puntland Oo Baadigoobaysa Doon Kalluumaysi Oo Ku Luntay Xeebaha Gardafuu.

Puntland ayaa baadi goobaysa Doon Kalluumaysi oo la la’ yahay muddo ku dhow 5 maalmood, doonta ayaa ka baxday Magaalada Bareeda ee Gobolka Gardafuu ee Puntland kuna sii jeeday Magaalada Mukulla ee wadanka Yemen, sida uu sheegay Faarax Cawaash, Wasiirka Kalluumaysiga Puntland.

Magaca Doonta oo la yiraahdo (Casayr Waaxid) waxaa saarnaa 8 baxri, shan soomaali ah, labo Kenyan ah iyo nin carab ah, taas oo waday 15Tan oo kalluun ah. waxaa doontan lahaa Ganacsade reer boosaaso ah.

 

[embedyt] https://www.youtube.com/watch?v=nJsaj5mX76g[/embedyt]

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*