Puntland oo heshiis la gashay Mac-hadka Tababarka shaqaala Kenya

Waftigii ka socdey dawladda Puntland oo maalmahan hawlaha shaqo u joogey waddanka kenya ayaa maanta booqday mac-hadka tababarka shaqaalaha dawladda Kenya.

Waftigaan oo isugu jirey Wasaaradaha Shaqada iyo shaqaalaha, Maaliyadda, Madaxtooyada, Hay’adda shaqaalaha rayidka iyo Mashruuca Tayaynta hay’adaha dawladda ee CIP ayaa qorshohoodu ahaa sidii u samayn lahaayeen iskaashi u dhexeeya Mac-hadka Tababarka shaqaala Kenya iyo Mac-hadka tababarka shaqaalaha Puntland ee IPAM.

Mac-hadka tababarka shaqaalaha ee Kenya ayaa soo dhoweeyey Waftiga Puntland iyadoona ay qaabileen Agaasimaha guud ee Machadka Tababarka shaqaalaha ee Kenya iyo Agaasimayaasha laamaha iyo qaybaha kala duwan ee machadka.

Waxyaabihii laga wada hadlay ayaa waxaa kamid ahaa dib u eegista heshiisyo hore ay uwada galeen Puntland iyo Machadka Tababarka shaqaalaha kenya iyo sidii kor loogu qaadi lahaa Tayada shaqaalaha Mac-hadka tababarka ee Puntland.

Sidoo kale dardargelinta tababarka shaqaalaha dawladda Puntland oo ay kujiraan Golaha Xukuumadda iyo Agaasimayaasha guud ee dawladda Puntland si ay u noqdaan kuwo tayadoodu aad u sarrayso guud ahaa Masuuuliyiinta iyo Shaqaalaha dawladda Puntland oo dhan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*