PUNTLAND:-Yaa ka masuula mashaariicda la lunsadey ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha?

MAAMUL XUMADA WASAARADA ARIMAHA GUDAHA PUNTLAND OO SABAB U NOQOTAY IN 70% MASHAARIICDII BARAKACAYAASHA GALKACYO SANADKAN FULI WAAYAAN

Galkacyo waa magaalada labaad ee ay barakacayaasha ugu badan Puntland ku nool yihiin, waxaana lagu qiyaasaa inay dhan yihiin 40,000. Barakacayaashan waxay kasoo qaxeen dagaaladii sokeeye ee Koonfurta Soomaaliya waxayna Galkacyo usoo raadsadeen inay ka helaan ammaan iyo nolol, waxayna ka heleen soodhaweyn, nabad iyo nolol. Dadkaas barakacayaasha waxay degeen dhulal ay shaqsiyaad leeyihiin oo ku yaal gudaha iyo bannaanka Galkacyo, waxayna ka dhisteen guryo cooshado iyo baraakado ka sameysan.

Inta badan barakacayaashu waxay dhulalkaas ku bixiyaan kirooyin bille ah, keliya dhowr kaam ayaa nasiib u helay inay dhulkaas ku deganaadaan si kumeelgaar ah oo lacag la’aan ah. Hey’adaha Caalamiga ah ayaa hanti badan geliya dhulalkaas kumeelgaarka waxayna ka hirgeliyaan suuliyo, guryo aan rasmi ahayn (Semi-permanent shelter), goobo caafimaad iyo waxbarasho. Marka uu dhammaado xilliga deganaanshaha dhulkaas, barakacayaashuna ka guuraan dhulkaas, hantidaas oo dhan waxaa la wareega qofka dhulka iskaleh.

Dowladda iyo Hey’adaha Caalamiga ah ayaa 2014 markii u horeysay Galkacyo ka bilaabay xalka-waara (Durable Solution), waxaana la qorsheeyay in xalwaara laga gaaro barakacnimada lana sameeyo isdhexgal bulsho (Local Integration), waxaana la sameeyay mas’uuliyado cad-cad oo ay Dowladdu qaadatay inay dhulal rasmi ah (Permanent tenure) u hesho barakacayaasha, halka Hey’aduhuna hirgeliyeen kumanaan guryo rasmi ah (Permanent shelter) loo dhisay Barakacayaasha iyo dadka deegaanka masaakiinta ah, waxaana guriyeyntaas laga soo qaadan karaa guryaha laga dhisay Halo-booqad, Tawakal, Madiina, Salaama iyo Mergaaga. Waxaa sidoo kale guryahaas la socday mashaariic shaqo abuur iyo maalgelin ganacsi ah (Income generation projects) kuwaasoo sababay in Galkacyo noqoto hormuudka xalkawaara ee barakacayaasha Soomaaliya, waxaana laga hirgeliyey guryihii ugu badnaa Soomaaliya laga soo bilaabo sanadkii 2014 ilaa 2017, laakiin sanadkan 2018 waxaa ku yimid hakad.

Kumanaan qoys oo abaarta kusoo barakacay ayaa soo galay Galkacyo, waxayna degeen dhulal ay dad leeyihiin oo ku yaal gudaha iyo bannaanka magaalada, waxayna ku bixiyaan kiro bille ah. Shaqsiyaadkii lahaa dhulalkaas ayaa horjoogayaal u noqday kaamamkaas.  Arrimahaas ayaa jahwareeriyey mashaariicdii xalka-waara iyo gaaritaankii in barakacayaashu helaan dhulal rasmi ah waxaa sidoo kale adkaatay in lacago iyo hanti la geliyo dhulalkaas ay shaqsiyaadku leeyihiin, madaama ay hantidaas iyo lacagtaasi noqoneyso khasaaro kadib marka barakacayaasha laga saaro / kiciyo dhulkaas, waxaana hantidaas ka faa’iideysta shaqsiyaadka dhulka iskaleh.

Hey’adaha Caalamiga ayaa ka maagay inay dhaqaale iyo hanti geliyaan dhulalkaas shaqsiyaadku leeyihiin, waxayna bedelkeed December 2017 cabasho usoo gubdiyeen Wasaarada Arimaha Gudaha oo Dowladda mas’uul uga ah iskudubaridka iyo maamulka arrimaha barakacayaasha, waxayna u sheegeen in 70% mashaariicdii xalka-waara oo ay guryuhu kamid yihiin aan la fulin karin in dhulal rasmi ah la helo maahee iyo in dadkaan faraha badan ee ay abaartu soo barakicisay loo raadiyo dhul weyn oo rasmi ah (Permanent land) si dhaqaalaha loo qoondeeyay ugu filnaado, looga hirgeliyo mashaariic rasmi ah meeshana laga saaro kirada ay barakacayaashu ku bixiyaan dhulalka aan rasmiga ahayn, laga takhaluso horjoogayaasha (Gatekeepers) dhibta ku haya dadka masaakiinta ah iyo weliba hantida lagu khasaariyo dhulalkaas oo hadhow gacanta u gala shaqsiyaadka dhulalkaas iska leh.

Hey’adaha Caalamiga ah siiba UNHCR ayaa lacag dhan $150,000.00 ku siisay Wasaaradda Arimaha Gudaha, waxayna lacagtaas usoo shubeen Jannaayo 2018 si de-deg ah loogu qabto shaqada raadinta dhulalka rasmiga ah iyo in dibu-qaabeyn lagu sameeyo barakacayaasha meel walba degay. Hey’adaha Caalamiga ah ayaa ka filayey Wasaarada Arimaha Gudaha inay mas’uuliyad weyn iska saarto helitaanka dhulal rasmi ah iyo inay gacan siiyaan Hey’adaha Caalamiga inay fuliyaan mashaariicda xalka-waara iyo bini’aadantinimada, laakiin ma dhicin oo Wasaaraddu xil iskama saarin inay gudato waajibaadka shaqo ay reer Puntland u igmadeen iyo inay xaliyaan cabashada Hey’adaha Caalamiga ah.

Cabasho iyo codsiyo badan kadib, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Mr. Timacade, Agaasimaha Guud Mr. Juba iyo shaqaale kale ayaa soo raacay wefdigii Madaxweynaha Dowladda Puntland ee usoo kicitimay Galkacyo Jannayo 2018. Wasiirka iyo kooxdiisa ayaa shir la qaatay Duqa Degmada Galkacyo iyo Guddoomiyaha Gobolka Mudug, dhowr maalmood kadibna waxay ku laabteen Garoowe iyadoo aan wax laga qaban arintii taagnayd.

Lacagta UNHCR ay siisay Wasaarada waxaa kamid ahaa in la shaqaaleysiiyo qof sumcad leh oo dadka dhulalka iskaleh la macaamila, fadhigiisu yahay Galkacyo oo iskudubarida, fududeeyana helitaanka dhulalka iyo guryaha laga dhisayo Galkacyo marka dhulka la helo kadib, laakiin taasi ma dhicin oo booskaas waxaa lasiiyey Madax Qaybeed ka tirsan Wasaarada oo reer Garowe ah, ayna ku adag tahay inuu dego Galkacyo uuna furdaamiyo arrimaha cakiran.

Wasaaradu wax xil ah iskama saarin inay xal u hesho arrimaha dhulka Galkacyo iyo inay tixgeliso codsigii Hey’adaha Caalamiga ah, waxayna arintani niyad xumo ku abuurtay Hey’adihii Caalamiga ahaa ee u khidmeynayey dadka soo barakacay. Bartamihii Maarso, Hey’adaha Caalamiga waxay isugu yimaadeen shir wadatashi ah madaama Wasaaradi waxba kasoo socon iyo in lacagaha mashaariicdu dhacayaan, waxayna ku heshiiyeen in guddi la fariista Degmada iyo Gobolka la sameeyo si xal looga gaaro arimaha dhulka. Waxayna shirar la qaateen maamulka degmada iyo kan gobolka, kana codsadeen inay dhul ku keenaan sida ugu dhaqsiyaha badan, dhulkaas oo ah dhul rasmi ah kana fogeyn magaalada, lana dejin karo dhammaan barakacayaasha degan dhulalka kumeel gaarka ah.

Maamulka Degmada iyo Gobolka ayaa ka carooday in lacagti shaqadaas loogu talagalay ay Wasaaradu cuntay, laakiin cadaadis badan kadib waxay sameeyeen iskudayo kala duwan, waxayna ka badin waayeen in dhammaadkii bishii May la iibiyo dhul cabirkiisu dhan yahay 1400x600m, dhulkaas oo ku yaal agagaarka Xabsiga Galkacyo oo laga bixiyey lacag dhan $12,000.00 wuxuuna qaadi karaa keliya 5% dadka barakacayaasha ah ee u baahan dhulka rasmiga ah. Hey’adaha Caalamiga ah ayaa arintaan aad ula yaabay, madaama dhulkaasi uusan ku filnayn barakacayaashii sidoo kalena uusan istaahilin in adeegyo badan laga dhiso, waxayna dib u liqeen candhuuftoodii. Halkan ka eeg heshiiska iibka:-

Waxaa waqti badan qaatay in D/hoose bixiso lacagti dhulka iyo in cagaf la mariyo dhulka si loo sugo xuduudihiisa. Waxaana dhacday in lacagihii Galkacyo loo weeciyey fatahaadihii Beledwayne iyo Jowhar, madaama la isticmaali waayey lacagtaas ayna dhaaftay waqtigii loogu talagalay. Cabashooyin iyo eedaymo badan kadib, Wasaarada ayaa baraarugtay goor ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen lacagihii mashaariicda la wareejiyey, sanadkii gabogabo yahay aysana macquul ahayn in wixii ka danbeeya Luulyo la qorsheeyo ama la bilaabo mashaariicda guryaha, adeegyada bulshada iyo weliba biyo ballaarinta madaama ay u baahan yihiin waqti ku filan oo lagu qorsheeyo, lagu xulo dadka, lagu xayeysiiyo, lagu dhiso i.w.m. waxaana intooda badan la bilaabaa bilowga sanadka.

July 2, 2018, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Mr. Juba ayaa codsi u diray UNHCR Galkacyo inay siiyaan hoolkooda shirarka si ay ugu qabtaan shir ujeedadiisu tahay in dhaqaale loogu raadiyo barakacayaasha Galkacyo. UNHCR Galkacyo ayaa aqbashay codsigaas iyadoo og in lacagtii shirarkaas loogu talagalay lasiiyey Wasaarada iyo weliba in waqtigii dhacay oo hey’aduhu ka caraysan yihiin mas’uuliyad darada Wasaarada iyo inaysan gudan waajibaadkeeda xilligii loo baahna.

July 5, 2018 Wasaarada ayaa casuumad email ah u  dirtay dhammaan hey’adaha Galkacyo degan oo tiradoodu gaareyso 71 caalami iyo maxaliba inay isugu yimaadaan shir lagu qabanayo hoolka UNHCR Galkacyo 16/07/2018, loogana hadlayo in lacag loo helo barakacayaasha Galkacyo (Resource mobilization meeting), laakiin hey’adna/qofna masoo ajiibin codsigaas.

Kadib markii ay hey’adihii soo jawaabi waayeen, Wasiirka ayaa qoray warqadan shaabadeysan oo ah casuumaad rasmi ah in hey’aduhu kasoo qaybgalaan shirkaas. Laakiin, hey’adna/qofna kama soo jawaabin.

July 13,2018 waxaa Garowe kasoo baxay shaqaale Wasaarada ah oo uu hoggaaminayo Wasiir K/xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha Mr. Cabdullaahi Xaashi Qoobdeero si ay shirkaas u qabtaan. Maalintii shirka 16/07/2018, waxaa shirka yimid shaqaale badan oo ka tirsan Wasaarada, gobolka iyo degmada iyo dhowr qof oo ka socda dhowr hey’adood oo markaas deganaa goobta shirka lagu qabanayey. Halkaan ka eeg tirada dadka kasoo qaybgalay:-

Wasaaradu lama iman shirka wax sababeynaya sababta ay u dhayalsatay raadintii dhulka, halkay ku baxday $150,000.00 lasiiyey iyo qorshe faahfaahinaya dhulka yar ee la helay, tirada dadku uu qaadi karo, waxa laga yeelayo dadka soo haray ee aan haysan dhulka iyo weliba waxyaalaha u qorsheysan si loo saxo khaladkii hore, laakiin taas bedelkeeda waxaa meesha isku qabqabsaday hey’adihii iyo wasaaradi waxaana shirkii lagaga hadlay waxyaalo aan ahayn ujeedada shirka sida ka muuqata warbixinta shirka, loomana helin wax mashaariic ama lacag ah barakacayaasha Galkacyo. Sidoo kale, Wasiir K/xigeenka ayaa eedayn usoo jeediyey hey’adaha aan kasoo qaybgalin shirka sida ku cad warbixinta shirka ee hoos ku lifaaqan, taasoo aan laga talo gelin hey’adihii dhowrka ahaa ee kasoo qaybgalay si ay uga tala bixiyaan una hubiyaan in waxyaalaha ku qoran warbixinta ay tahay wixii shirka lagaga hadlay inta aan la shaacin warbixinta.

Shirkaas kadib, waxay Wasaaradu ogataay in Hey’adihii Caalamiga ahaa ka aamin baxeen, wax sumcad ahna aan loo hayn, sidoo kale ay socdaan xilli aan loo baahnayn oo xeero iyo fandhaal kala dhaceen. Shaqaalihii Wasaarada ee shirka u yimid Galkacyo waxay maalintii xigtay ku laabteen Garoowe iyagoo ku hungoobay safarkoodi, ayna raacday ceeb iyo weji gabax.

Mas’uuliyad xumada Wasaarada ayaa sababtay in 70% mashaariicdii Barakacayaasha iyo dadka abaaruhu soo barakiciyeen ee Galkacyo ay baaqdaan sanadkan, waxayna saameysay shaqaale, shirkado iyo lacago faro badan oo ay dadka reer Galkacyo ka heli lahaayeen mashaariicdaas. Dadka barakacayaasha ah ayaa sanadkan sidaas ku waayey deeqihii loogu talagalay, waxay sidoo kale arintani dibudhac ku keentay horumarkii magaalada Galkacyo madaama guryaha loo dhisi jiray Barakacayaasha ay ka qayb-qaadan jireen fiditaanka iyo bilicda magaalada sidoo kale ay suuq iyo dhaqaale kusoo kordhiyaan Galkacyo.

Sidaas darteed, waxaan ku talinaynaa in mas’uuliyad xumada sanadkan dhacday aysan dhicin sanadka danbe, loona raadiyo dhulal waaweyn dadkaas masaakiinta ah, lana dhiso kalsoonidii hey’adaha caalamiga ah, sidoo kale baaritaan lagu sameeyo Wasaarada Arimaha Gudaha, la ogaado lacagti $150,000.00 ahayd iyo in la ciqaabo ciddii sameysay khasaarahaas baaxada leh.

-Dhammaad-

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*