Qaban qaabada caleema saarka madaxda cusub ee Puntland oo Garowe ka socota, Farmaajo & Xasan Sheikh Maxamuud oo…

Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland waxaa ka socota diyaarinta caleema saarka madaxweynaha cusub Siciid Cabdullaahi Denni oo la qorsheeyay in ay dhacdo 26 bishan Janaayo ee ku beegan Sabtida todobaadka dambe ee soo socda.

Madaxweynaha oo la doortay 8-dii bishan Janaayo ayaa isla maalintii xilka uu la wareegay ee 14-kii bisha wuxuu magacaabay afar guddi oo u xil saaran qaban-qaabada iyo diyaarinta xafladda caleema saarkiisa oo si cajiib ah loo agaasimayo.

Guddiyada ayaa ka kooban guddiga xiriirka, casuumaada iyo soo dhoweynta guddiga marti-gelinta, dejinta iyo gaadiidka, guddiga diyaarinta goobta xaladda iyo guddiga amniga, waxaana dhamaantood ku midaysan yihiin qaban-qaabada iyo diyaarinta caleema saarka madaxweynaha.

Xafladda oo loo diyaarinayo si hab maamuus cajiiba leh ayaa waxaa kasoo qayb galaya madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya, xildhibaanno ka socda labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya iyo dhamaan madaxda maamul goboleedyada dalka.

Waxaa lagu casuumay laba kamid ah madaxweynahayaashii hore ee dalka Xassan Sheikh Maxamuud iyo Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo laba kamid ah ra’iisal wasaarayaashii hore Cali Maxamed Geeddi iyo Cabdiweli Sheikh Axmed Maxamed, wasiirro iyo xildhibaano hore.

Ilo xog ogaal ah oo madaxtooyada ku sugan ayaa sheegaya in xubno ka socda xisbiyada dalka iyo siyaasiyiiinta mucaaradka lagu casumay xafladda caleema-saarka balse faah faahin kale lagama hayo, inkastoo Xasan Sheikh iyo Sheikh Shariif laftoodu ay matalayaan xisbiyo siyaasadeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*