Qarax miino ah oo hada ka dhacay magaalada Muqdisho

Wararka haatan ka imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay degmada Hawlwadaag ee gobolka Banaadir.

Qaraxani ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso isla markaasna uu ku qarxay inta u dhaxaysa Isgoysyada Bakaaraha iyo Hawlwadaag ee magalada Muqdisho.

Goob joogayaal la hadlay arbaahinta ayaa sheegay in qaraxa kadib la maqlay rasaas ay fureen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliyeed, taas oo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ay sababtay.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaasi ka dhacay magaalada Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*