Qaar kamid ah shaqaalaha Puntland oo tababar ugu soo xiray Kigaali

Tababar muddo labo toddobaad dalka Rwanda uga socdey qayb kamid ah shaqaalaha dalwadda Puntland ayaa maanta lasoo gebagebeeyey.

Shaqaalaha aqoon isweydaarsiga u joogey Daka Rwanda ayaa waxay ka kala tirsanaayeen Shaqaalaha Wasaaradaha Shaqada, Maaliyadada, Madaxtooyadda, Hay’adda Shaqaalaha Rayidka ah iyo Bank Dhexe ee dawladda Puntland sidoo kale waxaa iyana tababarka qayb ka ahaa xubno ka socda maamul goboleedyafa iyo dawladda Federaalka Soomaaliya.

Muddadii uu socdey aqoon isweydaarsigan oo lagu baranayey Habka maamulka shaqaalaha (HRMIs) iyo Habka maamulka maaliyadda ee (FMIS) ayaa waxaa shaqaalaha la geeyey xarumaha Wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda Rwanda si ay u arkaan habka shaqada ee xarumaha dalkaasi si ay hadhow cilmigii ay soo barteen ugu dabakhaan xafiisyadooda.

Gebagebadii tababarka ayaa waxaa shaqaalaha la guddoonsiiyey shahaadooyin cadaynaya cilmigii ay soo barteen, waxaana tababarkaan dawladda Puntland ka caawinayey Mashruuca tayaynta hay’adaha dawladda ee CIP.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*