Qaybo kamid ah shaqaalaha dawladda Puntland oo Tababar u furmay

Wasaaradda shaqada shaqaalaha dhallinyarada iyo ciyaaraha dawladda Puntland ayaa maanta tababar u furtay shaqaale ka kala tirsan hay’adaha kala duwan ee dawladda Puntland , tababarkaan ayaa ku saabsanaa habka loo maamulo shaqaalaha iyo sida loo maareeyo xogohooda(modernization of payroll and personal data management system).

Tababarkaan ayaa socon doono muddo labo maalmood ah waxaana iyadoona si qoto dheer loo barayo waaxyaha ay qusaysay shaqadani habka maaraynta shaqaalaha si loo horumariyo shaqaalaha dawladda.

Qaybaha shaqaalaha ee sida gaarka loo tababarayey ayaa waxaa kamid ahaa:

  1. HRM Secton
  2. ICT Section
  3. Finance Section
  4. Archives Section

Kuwaas oo dhammaad ah cidda qabandoonta marka uu tababarkaani idlaado isla markaana ay tababarto shaqaalaha kale ee dawladda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*