QM oo ku baaqday in la dadajiyo baarista kiiska dilkii Caa’isha Ilyaas

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska hay’adda Qaramada Midoobe u qaabbilsan maalgalinta dadweynaha ee UNFPA ayaa lagu cambaareeyey tacaddiyadii loo gaysta Caa’isha Ilyaas Aadan oo ahayd 12 jir dhowaan lagu dilay laguna kufsaday magaalada Gaalkacyo.

Hay’adda ayaa sheegtay in ay si weyn ugu damqadeen gabadhaasi yar oo la kufsaday si naxariis daro ahna loo dilay, kadib markii laga afduubtay gurigooda oo ku yaala Waqooyiga Gaalkacyo.

Hay’adda Caalamiga ah ee UNFPA ayaa iyada oo gudaneysa masuuliyadda ka saaran xakamaynta tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha, waxay cambaareyn xooggan dusha uga tuurtay falka waxashnimada ah ee lagula kacay Caa’isha yar.

Falalka ku salaysan jinsiga ee lagula kaca haweenka ayay ku tilmaantay in uu yahay mid xad-gudub daran ku ah xuquuqda haweenka iyo gabdhaha, taas oo ay tusaale xun u tahay dilka iyo kufsiga lagula kacay Caa’isha yar ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay UNFPA.

“UNFPA waxay garab taagan tahay qoyska Caa’isha, waxayna si buuxda u taageeraysaaaa bulshooyinka iyo dadka u dhaq dhaqaaqa la dagaalanka shaqaaqooyinka ku salaysan jinsiga iyo xuquuqda haweenka iyo mida aadanaha ee Soomaaliya” ayaa sidoo kale lagu yiro qoraalka.

Hay’adda UNFPA ayaa ugu dambeyn ku baaqday in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo dilka Caa’isha iyo in Puntland laga hirgaliyo xeerka dambiyada galmada.

Waxanay ku baaqday in maanta iyo mar kastaba loo istaagno dhowrista xuquuqda aadanaha, amniga iyo ilaalinta sharafta haweenka meel kasta oo ay joogaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*