Ra’iisal wasaaraha Israel oo ku hanjabay inay weerari doonaan Qasa

Ra’iisal wasaaraha Israel ayaa sheegay inay dagaal ku qaadi doonaan magaalada Qasa inta ay socoto doorashada hadii ay lama huraan noqoto.

Wareysi uu siiyey Idaacadda Israel Radio ayuu ku sheegay inay kharaj badan ku kici doonto hadii aan haatan gudaha u galno magaalada Qasa.

Hadalkiisa waxa uu ku soo beegmayaa 2 maalin kadib, markii ay diyaaradaha dagaalka Israel ay duqeeyeen fariisimo ay dagaalamayaasha Ururka XAMAAS ku leeyihiin deegaanada marinka Qasa.

Dhinaca kale Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Flastiin ayaa waxa ay maanta sheegtay in nin Falastiini ah uu u geeriyooday dhaawacyo rasaaseed oo ay askarta Israel ku dhufteen.

Marxumka geeriyooday oo magaciisa lagu sheegay Xabiib Almasri oo 24-jir ah, waxaa Jimcihii laga toogtay laabta xilli uu ka qayb galayey dibad baxyo ka dhacay meel ku dhow magaalada Baytul-laxam.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*