RW Rooble oo ka qeybgalay salaad janaaso oo lagu tukay Gudoomiye la dilay

Ra’iisulwasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen ayaa maanta ka qeyb galay salaadda Janaazada Allaha u naxariistee Guddoomiyihii degmada Hodan Marxuun Cabdixakiin Dhagajuun oo maanta lagu aasay magaalada Muqdisho ka dib markii habeen ka hor kooxo hubeysan gaari uu la socday rasaas ooda uga qaadeen.

Falalka dilalka qorsheysan ee masuuliyiinta dowladda la xiriira oo indhawaale ku yaraa magaalada Muqdisho ayaa fajaciso dad badani ku noqotay dilka mid ka mid ah Gudoomiyayaasha Gobolka Banaadir u geysteen kooxo hubaysan.

Maalin ka hor dilka Gudoomiye Dhagajuun wuxuu kasoo laabtay safar caafimaad oo in muddo ah uu u jiray dalka Turkeyga.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*