SAWIRO:-HAY’ADA KAALO OO GAALKACYO KU QABATAY TABABAR KU SAABSAN ILAALINTA XUQUUQDA MAXAABIISTA UNA QABATAY BOOLISKA IYO MAXKAMADAHA G.MUDUG.

Tababarkan oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo loona qabtay Saraakiil ka socotay Booliska iyo Asluubta iyo Xafiiska Xeer Ilaalinta iyo Garsoorayaasha Cusub ee Maxkamadda G. Mudug, waxaana tababarkaan furitaankiisa kasoo qayb galay masuuliyiin ka socotay Hay’ada UNHCR oo tababarkaan maalgaliyay iyo Taliye Xigeenka Booliska Gobalka Mudug, Waxayna UNHCR uga mahadceliyeen Maxkamadda iyo Xeer Ilaalinta Gobalka Mudug kasoo qaybgalkooda Tababarkaan. waxayna kula dardaarantay in ay ka faa’iidaystaan casharada uu macalinka bixin doona tobabarkaan si ay xirfadooda kor ugu qaadaan.

Tababarkaan oo Saddex maalmood socday ayay saraakiisha Booliska iyo Maxkamadduhu ku baranayaan sida loo ilaaliyo Xuquuqda Bani’aadamka gaar ahaan xuquuqda bini aadanimo ee ay leeyihiin Maxaabiista xiran iyo waliba sida uga haboon oo danbi loo baari karo.

Tababarkaan waxaa maalgaliyay Hay’ada Qoxootiga u qaabilsan qaramada Midoobay ee UNHCR, waxaana Fuliyay haya’ada Kaalo waxaana tababarkan oo kale lagu qaban doonaa Magaalooyinka kale ee Puntland, wuxuuna Qayb ka yahay mashaariic balaaran ay Kaalo ka fulinayso deegaanada Puntland.

Mahan markii ugu horaysay oo tababar noocaan oo kale ah ay hay’ada kaalo u qabto Booliska, Asluubta, Xafiiska Xeer ilaalinta iyo Garsoorayaasha Maxkamadda G.Mudug, balse tababarkaan ayaa kusoo beegmay xili garsoorayaasha Maxkamadda ay baahi wayn u qabeen tababar noocaan oo kale ah maada garsoorayaashaan iyo Xeer ilaalintaba lasoo magacaabay dhawaan, wuxuuna ahaa tababar aad muhiim ugu ah shaqadooda si loo ilaaliyo xuquuqda bini’aadamka iyo Maxaabiista iyo hanaanka barista dambiyada ee Booliiska.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*