SAWIRO:Amaanka Holland oo la adkeeyey kadib toogasho ka dhacday magaalada Utrecht

Hal qof ayaa geeriyooday dhowr kalena wey dhaawacmeen, kadib markii uu nin hubaysan rasaas ku furay tareen marayey Isgoys mashquul badan oo ku yaalla magaaladda Utrecht ee bartamaha dalkaasi.

Askar ay ku jiraan saraakiil aad u hubeysan ayaa lagu soo daadiyey magaaladaasi, waxayna Booliska ku raad joogaan ninkii toogashada gaystay.

Goob jooge la hadlay Warbaahinta RTV ee Utrecht ayaa sheegay inay toogashada ka dhacday gudaha Tareen taagnaa Bosteejadda 24 Oktoberplein ee galbeedka magaaladaas.

Maamulayaasha dalkaasi waxay sheegeen inuu weerarkaasi u muuqday weerar argagixiso.

Warbaahinta dalka Holland ee NOS aya sheegtay inay Booliska isku gedaameen dhismo la rumaysan yahay inuu dablayga hubaysan ku dhuumaalaysanayo.

Ma jiro war toos ah oo ku aadan qofka uu yahay ninka hubaysan ama tirada saxda ama aqoonsiga dhibanayaasha.

Dhinaca kale heerkii ugu sareeyey ayaa la gaarsiiyey xaalada amaanka ee magaalada ay toogashada ka dhacday ee Utrecht, waxaana la adkeeyey amaanka garoomada diyaaradaha, masaajidda iyo dugsiyadda, iyadoo laga kordhiyey ciidamada u tababaran sida Milliteriga oo kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*