SAWIRO:Dad ku geeriyooday dhisme dabaqyo ah oo ku yaala Bangladesh

Ugu yaraan 5 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyooday dab ka kacay dhismo ganacsi oo ka kooban 19 dabaq oo ku yaala caasimada dalka Bangaladesh ee Dhaka.

Saraakiisha dalka Bangaladesh waxay sheegeen inuu dabka ka kacay gudaha dhisme dabaqyo oo lagu magacaabo FR Tawar ee deegaanka Banani ee magaalada Dhaka.

Afhayeenka cisbitaalka United Hospital Sazaduur Rxamaan Shufo oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa sheegay inay 3 qof geeriyootay, kadib markii ay iska soo tuureen dabaqyada ugu sarreeya ee dhismahaasi halka labo kalena ay u geeriyoodeen waxyeeladda dabka.

Dhinaca kale dad badan ayaa la rumeysan yahay inay weli ku go’doonsan yihiin dhismahaasi oo kamid ah kuwa ugu dhaadheer dalka Bangaladesh.

Dabkan ka kacay dhismaha FR Tawer ayaa yimid isbuucyo kadib markii ay ugu yaraan 21 qof ku geeriyootay dab ka kacay bishii hore ee Feberaayo 21-dii dhisme Bakhaar ah oo ku yaalay ee caasimada dalka Bangaladesh ee Dhaka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*