SAWIRO:Gudoomiyihii hore ee gobolka Sool ee Puntland oo Laascaanood lagu soo dhoweeyey

Waxaa maanta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool lagu soo dhoweeyey gudoomiyihii hore ee gobolka Sool ee Puntland Abukar C/raxmaan Gelle oo iska casilay xilkii gudoomiyaha gobolka Sool 31-kii bishii December ee sanadkii hore ee

Mr. Gelle oo si weyn uga soo hor jeeday xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Denni ayaa maanta lagu soo dhoweeyey duleedka magaalada Laascaanood.

Gaadiid, boodhadh uu ku sawiran yahay gudoomiyihii hore iyo shacab badan ayaa lagaga hortagay Abukar C/raxmaan Gelle oo madaxweynihii hore ee Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas uu u magacaabay xilka gudoomiyaha gobolka Sool 11-kii bishii June ee sanadkii 2018, isagoona xilkaasi hayayey muddo ah lix bilood.

Fariimo dhaliil ah oo marar kala duwan uu soo dhigay baraha Facebookga ayuu xabsi ku mutaystay bishii January sanadkani 2019, kadib markii uu amar lagu siiyey taliyaha ciidamada Booliska Puntland in uu soo xidho.

Abukar C/raxmaan Gelle ayaa sababihii uu isku casilay ayaa waxaa kamid ahaa in uu waayey xubin xildhibaan ah oo Beeshiisu ay iska leedahay, waxaana xiligani socda olole Somaliland ay xil cusub ugu magacaabayso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*