SAWIRO:HAY’ADA KAALO OO GAALKACYO KU QABATAY TABABAR KU SAABSAN XALINTA KHILAAFAADKA IYO FAHMIDA SHARCIYADA.

Tababarkan oo loo qabtay Odoyaasha iyo gudiyada Qoxootiga ku nool magaalada Gaalkacyo iyo sharci kaaliyayaal ka tirsan Hay’ada Kaalo xafiiskeeda Gaalkacyo, Tababarkaan oo lagu baranayay casharo ku saabsan fahmida Qaybo ka mid ah Sharciyada Aduunka, Soomaliya iyo Sharciyada Puntland iyo sida loo xaliyo dhibaatooyinka, Khilaafaadka iyo isku dhacyada ka dhex dhaca Bulshada Qaxootiga, waxaana tabarkaan furitaankiisa kasoo qayb galay masuuliyiin ka socotay UNHCR Waxayna u mahadceliyeen ka soo qaybgalyaasha waxayna kula dardaarmeen in ay ka faa’iidaystaan mudada Labada Maalmood ah ee uu tababarkaan socondoono. waxayna kula dardaarantay in ay ka faa’iidaystaan casharada uu bixinayo bixiyaha tababarkaan si shaqadooda ay u dardar galiyaan.

Tababarkaan oo Sanadkasta lagu qabto magaalooyinka Puntland ayaa Maanta taariikhdu tahay 30 Sept ilaa 01 October 2019 ka bilawday magaalada Gaalkacyo, wuxuuna socon doona 2 maalmood ee soo socota, Labadaas maalmood ayay Odoyaasha iyo Gudiyada kala duwan ee Qoxootiga Gaalkacyo ku baranayaan sida loo xaliyo khilaafaadka bulshada Qaxootiga ah ka dhexdhaca, sidoo kale waxaa fahan guud laga siin doonaa sharciyada Aduunka iyo kuwa Dowladda Puntland.

Fulinta tababarkan ayaa waxaa maalgaliyay Hay’ada Qoxootiga u qaabilsan qaramada Midoobay ee UNHCR waxaana fuliyay haya’ada Kaalo Aid and Development Org, waxaana tababarkan oo kale lagu qaban doonaa Magaalooyinka kale ee Puntland sida Garoowe, Boosaaso iyo Qardho, wuxuuna Qayb ka yahay mashaariic balaaran ay Hay’ada Kaalo ka fulinayso deegaanada Puntland.

Ma’ahan markii ugu horaysay oo tababar loo qabto Qoxootiga kunool Magaalada Gaalkacyo mana noqon doono toobarkii ugu danbeeyay, laakiin tababarkaan ayaa kusoo aaday xili aad loogu baahnaa.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*